Madaxweynaha Koofur galbeed iyo Safiirka UK ee Somalia oo kulan ay yeesheen uga hadlay Dayactirka Wabiga shabeelle

Date:

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar, iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiiro ka tirsan Koofur galbeed, Xildhibaano iyo xubno kale, kadibna waxaa loo galbiyay Madaxtooyada maamulka K/Galbeed, iyagoo kula kulmay Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan.

Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Danjire David Concar, ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga, Abaaraha, dib u dejinta Barakacayaasha iyo dib u habeyn lagu sameeyo Wabiga

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuurdiin Yuusuf, ayaa Wariyeyaasha sharraxaad ka siiyey markii uu idlaaday Kulanka  dhex maray Madaxweynaha Koofur galbeed iyo wafdigii la socday Safiirka Boqotooyadda Britain ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Dowladda Ingiriiska ay balan qaaday Mashaariic ay ka mid yihiin in ay dayactirto Wabiga Shabeelle, si uu u keydiyo biyaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...