Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh ee Qaxootiga Rohingya

Date:

Sheikh Hasina Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh, ayaa maanta booqanaysa xerada Kutupalong, ee ay maamusho Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, xeradan ayaa ka mid ah xeryaha qaxootiga ee loo sameeyay Muslimiinta Rohingya.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey Sheekh Hasina dhibaato wayn ku sheegtay tobonnaanka kun ee Muslimiinta Rohingya ee dalkeeda soo gaaraya.

Booqashadan ayaa ah tallaabadii ugu weynayd ee ay dowladda Bangladesh ku muujinayso inay ka go’an tahay inay shaaca kaga qaaddo qaxootiga Muslimiinta Rohingya ee ka soo qulqulaya dalka dariska ah ee Myanmar, iyo weliba inay dalbato caawin caalami ah si dhibaatadan wax looga qabto.

Dowladda Bangladesh ayaa  ku dadaalaysa sidii ay u xallin laheyd tiradan sidoo kalana ay u xakamayn laheyd deeqaha aan habeysnayn ee soo gaaraya.

Sidoo kale waxa ay bilowday inay diiwaangeliso dadka cusub ee halkaas soo gaaraya.

Waxaa isbadel uu ku yimid siyaasadda dowladda Bangladesh taas oo markii hore shaki ka qabtay sharciyadda muhaajiriintaasi.

Hasayeeshee haatan waxa ay doonaysaa inay diiwaangeliso dadkaasi, si ay mustaqbalka ugu ogaato inay yihiin muwaadiniin dalka Burma ka soo jeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...