Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed oo Gaalkacyo kula kulmay saraakiil Amni

Date:

Muqdisho(SONNA) Taliye ku xigeenka Ciidamada booliiska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabdi Ameeriko iyo satraakiil uu hoggaaminayay oo  maalmaahaanba howlo shaqo u joogay deegaanada Puntland ayaa kulan kula qaatay  magaalada Gaalkacyo,Qaar ka mida saraakiisha ciidamada booliiska dowladgobaleedyada Puntland iyo Galmudug Gelinkii dambe ee Axaddi.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa xoojinta wadashaqeynta iyo sidii la isaga kaashan lahaa sugidda nabad geliyad  iyo u adeegista bulshada.
Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Galmudug kornayl Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) isagoona ka mahad celiyay garab istaaga iyo ka warqabka ay taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed  markasta u hayaan ciidmada Booliiska Dowlada Goboleedyada.
Taliye ku xigeenka Ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa warbaahinta Qaranka u faah faahiyay ujeedka socdaalkooda.

“Waan ka mahadcelinayaa sida na loo soo dhaweeyey, ujeedka socdaalkeena wuxuu la xiriira sidii aan ugu kuurgali lahayn ciidamada booliska ee ka howlgala deegaanada Galmudug iyo Puntland, si aan uga warqabno xaaladdooda, waxaan sidoo kale ciidamadu ay u keeney qalab loogu talagalay in ay si wada jir ah uga howlgalaan si ay isaga kasha daan Ammaanka”, Ayuu yiri Janaraal Bashiir Cabdi.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhisan ciidamada loogu talagalay in si wada jir ah ay u sugaan amniga, iyo dhiiro gelinta isdhexgalka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...