Soomaaliya oo aan lagu soo darin liiska 20ka Dal ee Dunida ugu Khatarta badan oo la soo saarey

Date:

Golaha Dhaqaalaha Adduunka ayaa soo saarey liiska 20ka Dal ee Dunida ugu Khatarta badan,iyadoo aan lagu soo darin Soomaaliya,sida ay baahisay Wakaaladda SONNA oo soo xiganaysa Jariiradda The Independent UK.

Warbixinta ayaa ah mid dhinacyo badan taabanaysa, oo laga fiiriyay cabir laga sameeyey,dhinacyada dalxiiska iyo safarada ilaa 136 Dal oo kamid ah Aduunka,amniga,falalka argagixisanimo waxaana la soo bandhigay ilaa 20 Dal oo kamid ah wadamada ugu Khataraha badan.

Liiskani lagu ma soo darin Soomaaliya, marka loo fiiriyo daraasaada laga sameeyey wadamo badan,taasi oo u muuqatay in ay sabab u tahay dadaalada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka shaqeynaysa in Soomaaliya ay haatan ka duwan tahay aragtidii laga qabay guud ahaan.

Halkani ka ka Akhriso liiska wadamada iyo said ay kala yihiin.

  1. 20. Jamhuuriyadda Demuqraadiga ee Congo

Ciidamada militariga Dalka Congada Dimuqraadiga ayaa waxaa ay guud ahaan dalkaasi ka wadaan howlgalo ka dhan ah kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah iyo kooxo kale oo bur cad ah oo dadka dhibaateeya

  1. Thailandโ€‹

Wadanka Thailandโ€‹ oo dhaca Qaaradda Assia, waxaa warbixintu ay xustay in Gobolada ku yaala dhanka Waqooyi ee Dalkaasi ay kajiraan,dhibaatooyin xoogan,6,500 oo qof ayaa ku dhimatay dalkaasi,13 kii sano ee la soo dhaafay,qeybo kamid ah dalkaasi waxaa lagu soo rogay xaalado deg deg ah

  1. Jamaicaโ€‹

Dalka Jameeka  oo kamid ah Koonfurta Ameerika, waxaa ka dhaca qeybo kamid ah qalalaaso xoogan , dilal qorsheysan,sida magaalooyinka Kingston iyo Montego Bay.

  1. South Africa

Koonfur Africa ayaa lagu tiriyaa wadamada ay ka jiraan dembiyada ugu culus,taasi waxay sababtay in dad badan ay amnigooda ku wareejiyaan shirkado gaar ah oo amaanka qaabilsan, si looga hortago,dilalka iyo fufsiga oo si isdaba joog ah u dhaca,sid warbixinta ku xusan.

  1. Guatemal

Guatemal,Xuduudda uu Dalkan la wadaago Mexico waa goob kamid ah goobaha ugu halista badan adduunka,waxaa kajira doofinta dadka iyo maandooriyaha oo khataro badan   leh, wadamada Latin Ameerika ugu dilalka badan ayuuna kujiraa.

  1. Chad

Wadanka Chad waxaa ka dagaalama dhamaan kooxaha argagixisada Isis, al-Qaeda iyo  Boko Haram ,dad badan oo shacab ah oo ay kujiraan ajaanib ayaa lagu dilay dalkaasi, weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay,marka xuduudaha laga gudbayo waa Khatar sida xadka Suudaan iyo Liibiya uu la wadaago dalka Chad.

  1. Bangladeshโ€‹

Weeraro argagixiso,saameynta duufaano, daadad iyo Dhulgariir ayaa dalka ka dhigay mid ay ka jiraan musiibooyin  dabiici ah,

  1. Maliโ€‹

Warbixinta World economic Forum, waxaa sidoo kale lagu sheegay in weerarada argagixisanimo ay khataro ku hayaan amniga dalkaasi,gaar ahaan magalaaad Caasimadda ah ee Bamako,hoteelo iyo goobo kale oo kuyaala Waqooyiga iyo bartamaha dalkaasi waxaa ka dhacay dhowr jeer weeraro.

  1. Lebanonโ€‹

Kooxo kala duwan oo hubaysan ayaa kajira dalka Lebanon,duqeymo iyo weerar ayaa si joogto ah u dhaca,waxaa caadi ka ah banana baxyada rabshadaha wata oo ka dhasha muruno u dhexeeya dad ood wadaag ah,taasi oo qalalaase isku bedesha.

  1. Philippinesโ€‹

Waxaa dalka filipiin u dheer khataraha kale, weeraradii dhawaan dhacay oo dad badan lagu dilay,dab ka kacay caasimadda Manila iyo afduubyo, waxaa inta badan la beegsadaa dadka Ajaanibta ah.

  1. Ukraineโ€‹

Gobolada dhaca Waqooyiga iyo Bariga dalkaasi waxaa caadi ka ah dagaalada u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kooxaha kale ee uu Ruushka taageero,gaar ahaan Gobolada Donetsk oblast, Luhansk oblast,iyo Crimea.

  1. Hondurasโ€‹

Wadanak Honduras waxaa uu hooy u yahay dilalka qorsheysan marka loo fiiriyo dunida inteedi kale, ka ganacsiaga maandooriyaha,waxaana yer dhaq dhaqaaqyada military ama boolis ee ka hortaga falalkaasi.

  1. Kenyaโ€‹

Halka wadanka Kenya ay ka dhacaan weeraro ay fuliyaan kooxaha xagjiriinta ah,gaar ahaan Nairobi, qaraxyada Bombaanooyinka,dilalka toogashada ah iyo kuwo tooreeyo loo isticmaalo ayaa halkaasi ka dhaca.

  1. Egyptโ€‹

Kooxda Daacish ayaa Khatar ku haysa horumarinta kaabayasha dhaqaalaha dalkaasi,sida beegsiga dalxiisayaasha iyo dhinaca gaadiidka.

  1. Venezuela

Dhibaatooyin badan oo dhanka baahiayah aas aasiga ah ayaa halkaasi kajira,sida biyah Korantada,Caafimaadka,kuwaasi oo xaalado kacsanaan ah ka dhex abuuray bulshada, waxaa bar bar socda dhaca afduubka iyo dilalka qorsheysan.

  1. Nigeria

Labada kooxood oo kala ah Boko Haram iyo Daacish ayaa masโ€™uul ka ah rabshadaha kajira dalka Nigeria oo kamid ah wadamada dhaca Galbeedka Africa.

  1. Pakistan

Rabshadah salka ku haya fikradaha diimeed ayaa ragaadiyay dalka Bakistaan muddo sanado ah,waxaana ay ka jiraan inta badan gobolada dalkaasi.

  1. El Salvadorโ€‹

Wadankani waa wadan inta badan dilal ay ka dhacaan,waxaa kajira kooxo qowleysato ah sida, Maras Gangs,waxaa laga ganacsadaa badi dhoofinta maandooriyaasha iyo hubka.

  1. Yemen

Kooxo falaago ah oo caasimadda Yeman ku sugan ayaa bartilmaameedsada muwaadiniinta Mareykanka,kooxaha Alqaeda ayaa sidoo kale ku sugan wadankaasi Yeman,weeraro dhanka cirka ah iyo miinooyinka dhulka ayaa dhibaatooyin ku haya bulshada,nolosha aas aasiga ayaa ku adag dadka in ay helaan.

  1. Colombiaโ€‹

Dalka Colombia sidii hore uma Khatar badna, marka la fiiriyo, balse weli waxaa ka dhaca isna,weerar, afduubyo,iyo ka ganacsiga maandooriyaha sida magaalada Bogata ee Caasimadda Colombia.

Intii ay socotay warbixintan ayaan meelna looga xusay Soomaaliya, taasi oo muujinaysa in dalka Soomaaliya haatan uu kajiro horumar ballaaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliye ku xigeenka Boliiska Soomaaliyeed oo bogaadiyay guddiga farsamada xiriirka arrimaha xasillinta

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi...

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...