Qeybti ugu horeysay ee aradydii deeqda waxbarasho ka heley Shiinaha oo gaarey Beijing

Date:

Ardaydani oo qeyb ka ah ilaa 50 arday oo dhawaan deeq waxbarasho ka heley Dolwadda Shiinaha ayaa garey magaalada Beijing ee caasimadda Dalka Shiinaha.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey ardaydaasi qaar ka mid ah mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Shiinaha.

Dr C/raxmaan max’ed Sheekh oo ah u qeybsanaha xafiiska waxbarashada iyo dhaqanka ee Safaaradda oo muddo 27 sano kadib markii ugu horeysay dib looga furay shiinaha ayaa Wakaaladda SONNA u sheegey in ay halkaasi gaareen qeybtii koowaad ee ardaydaasi oo deeqda waxbarasho heley.

“Waxaa na soo garey qaar kamid ah ardaydii deeqdaasi waxbarasho heley, si fiican ayaa loo soo dhaweeyey,waxaana ku wareejinay jaamacaddii ay dhigan lahaayeen, waxbarashadooda ayaya si toos ah u bilaabayaan,waqtiyada soo socdana waxaa lasugayaa kuwa kale”, Ayuu yiriDR C/raxmaan.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa waxaa safiir ka ah Mudane Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusf Dheeg) oo ah mas’uul xilal kaladuwan soo qabtay.

Sanadahan dambe waxaa sii xoogeysanayay xiriirka dhanka diblomaasiyadda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha,ayadoo Dowladda Shiinaha ay xafiiskeeda ka furatay magaalada Muqdisho

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar Khawaarijta kusoo qadeen Wargaadhi.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness to...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday.

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay...

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...