Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulanka Golaha Shacabka JFS oo maanta la filayey in uu ka dhaco xarunta Golaha Shacabka ayaa lagu soo waramayaa in uu baaqday.

Kulanka ayaa lasoo sheegayaa in maanta uu u baaqday kooram la’aan, maadaama xubnaha golaha shacabka maalmihii ugu dambeeyey ay kujireen fasax, iyada oo fasaxoodana uu kusoo beegmay munaasabadaha maalmaha Ciidda.

Wariyaheena Ibraahim Guudle Isxaaq oo xarunta Golaha Shacabka ku sugan ayaa kusoo waramaya in kulanka uu u baaqday Kooram la’aan, sidaasi daraadeedna maanta uusan jirin wax kulan ah oo ay yeesheen xubnaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa Haddii kooramka kalfadhiga Golaha Shacabka uu soo dhameystirmi lahaa waxa ay maanta ka hadli lahaayeen go’aanka ay xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay arinta C/kariin Qalbi dhagax oo kamid ahaa saraakiisha Jabhadda ONLF.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...