Muqdisho(SONNA)–Madaama ay maanta oo kale ay ku began tahay maalinta Qoraalka iyo Akhriska Adduunka ayaa waxaa xusid mudan in dib loo jaleeco sida ay u hirgashay qorista Afkeena Soomaaliga iyo heerarkii uu soo maray.
Afka Soomaaliga waxaa la qoray Sanadkii 1972-kii, waxaa lagu qoraa xuruufta laatiinka kadib 11 sano markii la magacaabay guddigii Af Soomaaliga sanadkii 1961. Dood dheer kadib, guddigu wuu talo gafay, balse Dowladii Kacaanka ayaa dib boorka uga jaftay guddiga waxaana muddo 2 sano ah lagu hirgaliyay qorista iyo barashada Af Soomaaliga.
18 nooc oo far Soomaali loo damacsanayaa ayaa waxaa soo bandhigay af yaqaano kala duwan, Guddigii Af Soomaaliga ee shaqeynayay 1961 ilaa 1972 ayaa doortay farta Laatiinka, taasi oo horay uu ugu tijaabiyay buugaag bille ah sida “Iftiinka Aqoonta”, iyadoo ay jireen tartan ballaaran oo dhanka xaruufta Carabiga ah maadama Soomaalidu Quraanka ku barato Alif, Ba. Xaruufta Laatiinka waxaa loo door biday arrimo dhaqaale, qalabkii wadanka yiil iyo asbaabo kale.
Tirada dhabta ee dadka ku hadla Af-soomaaliga lama yaqaan, waxaase lagu qiyaasaa ilaa 19.65 Milyan oo qof, kuwaasi oo ku kala firarsan Caalamka, waxaana kaloo jira aragtiyo kale oo gaarsiiya ilaa 25 Milyan oo qof.
Bishii October 1972-kii ayey Soomaaliya ku dhawaaqdey qorsita Far Soomaliga iyo in af Soomaaligu noqdo lugadda rasmiga ah ee dalka., intii wakhtigaa ka horreysey, ma uusan jirin af-soomaali qoran oo la adeegsadaa Iskuulada, Xafiisyada dawladda iyo dhammaan nolosha oo dhan, waxaase loo adeegsan jiray qoraalka afafka Talyaaniga, Carabiga iyo Ingiriisiga.
Guusha uugu weyn ee lagu xasuusto dawladdii Siyaad Barre (AHUN), waa qoritaanka far Soomaaliga,waana muhiim in Far Soomaaliga iyo Af-Soomaaligaba la xoojiyo, la ilaaliyo horena loo Mariyo.