Waaberi oo ku guuleysatay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa Caawa lagu soo gabagabeeyay garoonka Banaadir ee degmada C/casiisee magaalada Muqdisho,tartankaasi oo muddooyinkii dambe si xiiso leh uga soconayey magaalada Muqdisho.

Tartankan oo ay final-kiisa wada ciyaareen labada degmo ee  Waaberi iyo Hodan, ayaa wareegii 1-aad ayaa ciyaarta waxay ku soo dhamaatay Waaberi 2-0 Hodan.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badnayd ayaa waxaa u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socoda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Markii la isku soo laabtay ayaa kooxda Waaberi waxay dhalisay koolkii 3-aad, balse daqiiqado kadib ayaa kooxda Hodan la timid 1 goal waxaana gebi ahaanba ciyaartaasi ay ku soo dhamaatay Waaberi 3-1 Hodan.

Waaberi ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Sami final-ka waxay soo reebtay Degmada Hilliwaa halka Hodan  ay soo garaacday Kaaraan.

Kooxda kubadda cagta ee Waaberi ayaa caawa loo caleema saaray horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana sanadkii hore tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ku guuleysatay degmada Boondheere, oo ka qaatay Waabari.

Sikastaba 28-kii Agoosto  2014  ayey aheyd markii degmada Waabari ay finalka la ciyaartay Xamar Weyne,  iyadoo Waabari loogu adkaaday 2-0, si lamid ah sanadkii xigay 2015 ayaa waxaa Wabari 1-0 ugu qaaday Boondheere,waana markii saddexaad oo xiriir ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...