Marwada 1-aad ee Turkiga oo booqatay Qoxootiga Rohinga

Date:

Muqdisho(SONNA)–Marwada Kowaad ee dalka Turkiga Emine Erdogan ayaa gargaar bin’aadananimo gaarsiisay qaxootiga Muslimiinta Rohingya oo safar ku tegtay xero qaxooti oo ku taala xadka Myanmar shalay oo Khamiis aheyd.

Marwada Kowaad ee Turkiga, oo ay weheliyaan wiilkeeda Bilal iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mevlut Cavusoglu, ayaa ugu yeeray beesha caalamka inay joojiso rabshadaha, taas oo ay ku tilmaamtay musiibo aan la rumaysan karin xilligan.

Emine Erdogan ayaa sheegtay in aysan macquul aheyn in sidaa loo daawado Dad tabaaleysan, iyadoo markaasi wareejineysay gargaarkii ay u waday Dadkaasi Qaxootiga ah oo markaasi ku sugnaa xerada Kutupalong, oo ku taala xudduuda.

“Waxaan rajeynayaa in dunidu ay fikrad ka bixiso mawduucaan ayna ka caawisaa iyaga labada gargaar bini’aadanimo iyo siyaasad ahaanba,” ayay tiri Emine Erdogan.

Sida laga soo xigtay he’yadda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR, 164,000 Rohingya ayaa ka soo tallaabay xudduudaha ilaa iyo 25-kii Agoosto, markii ciidamada amniga Myanmar ay bilaabeen howlgallo ammaanka ah oo ka dhan ah maleeshiyada Rohingya.

Myanmar ayaa aqbashay inay u oggolaadaan in Hay’adda Turkiga ee Iskaashatada iyo Isuduwidda ay gasho gobolka Rakhine si ay u bixiyaan 1,000 tan oo gargaar ah.

Tallabadaan ayaana ka dambeeysay kadib markii uu Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu Talaadadii la soo dhaafay khadka Teleefoonka kula hadlay hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi dhibbaatooyinka ka dhanka ah xuquuqul iinsaanka ee Muslimiinta Rohingya iyo sidii gargaar Bini’aandnimo loo gaarsiin lahaa dadkaasi dhibbaataysan, wuxuuna ballan-qaaday taageerada Turkiga ee ku aadadadkaasi Muslimiinta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo beeniyay warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...