Marwada 1-aad ee Turkiga oo booqatay Qoxootiga Rohinga

Date:

Muqdisho(SONNA)–Marwada Kowaad ee dalka Turkiga Emine Erdogan ayaa gargaar bin’aadananimo gaarsiisay qaxootiga Muslimiinta Rohingya oo safar ku tegtay xero qaxooti oo ku taala xadka Myanmar shalay oo Khamiis aheyd.

Marwada Kowaad ee Turkiga, oo ay weheliyaan wiilkeeda Bilal iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mevlut Cavusoglu, ayaa ugu yeeray beesha caalamka inay joojiso rabshadaha, taas oo ay ku tilmaamtay musiibo aan la rumaysan karin xilligan.

Emine Erdogan ayaa sheegtay in aysan macquul aheyn in sidaa loo daawado Dad tabaaleysan, iyadoo markaasi wareejineysay gargaarkii ay u waday Dadkaasi Qaxootiga ah oo markaasi ku sugnaa xerada Kutupalong, oo ku taala xudduuda.

“Waxaan rajeynayaa in dunidu ay fikrad ka bixiso mawduucaan ayna ka caawisaa iyaga labada gargaar bini’aadanimo iyo siyaasad ahaanba,” ayay tiri Emine Erdogan.

Sida laga soo xigtay he’yadda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR, 164,000 Rohingya ayaa ka soo tallaabay xudduudaha ilaa iyo 25-kii Agoosto, markii ciidamada amniga Myanmar ay bilaabeen howlgallo ammaanka ah oo ka dhan ah maleeshiyada Rohingya.

Myanmar ayaa aqbashay inay u oggolaadaan in Hay’adda Turkiga ee Iskaashatada iyo Isuduwidda ay gasho gobolka Rakhine si ay u bixiyaan 1,000 tan oo gargaar ah.

Tallabadaan ayaana ka dambeeysay kadib markii uu Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu Talaadadii la soo dhaafay khadka Teleefoonka kula hadlay hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi dhibbaatooyinka ka dhanka ah xuquuqul iinsaanka ee Muslimiinta Rohingya iyo sidii gargaar Bini’aandnimo loo gaarsiin lahaa dadkaasi dhibbaataysan, wuxuuna ballan-qaaday taageerada Turkiga ee ku aadadadkaasi Muslimiinta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhoweeyay Dalka Jabuuti 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya 60 sano oo saaxiibtinimo iyo iskaashi ah”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb....

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan...