Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha hoose

Date:

Wararka Maanta ka Imaanaaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kusoo waramaaya  in Duqeymo Diyaaradeed ay ka dhaceen Deegaanada Tooratoorow iyo Kuunyo Barow oo ka wada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkaan oo ay geysteen Diyaarado Dagaal  ayaa lala Beegsaday  Hortjoogayaal iyo Maleeshiyaad u Dagaalama Nabad diidka Alshabaab ee ku sugnaa Deegaano yar yar oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

Bashiir Maxamed Yuusuf  oo ah Gudoomiye ku xigeenka Dhanka Amniga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la Hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya  ayaa sheegay Inay Duqeymahaan oo ay gaysteen Diyaarado Dagaal lala Beegsaday Saraakiil ka tirsan Maleeshiyaadka Nabad diidka ah Al shabaab.

Dhanka kale Bashiir Maxamed yuusuf   oo hadalkisa sii wata ayaa tilmaamay inay Maleeshiyaadka Al shabaab ay ku badan yihiin Gobolka Shabeelaha Hoose taasina ay soo celcelinayso Duqeymaha joogtada ah eee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Maleeshiyaadka Nabad didka ah ee Alshabaab ayaa wali haraadigoodu ku harsan yihiin Deegaano hoos yimaada maamulka koonfur galbeed Soomaaaliya ee Fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.

Weerarkaan Shabeelaha hoose ayaa ka mid noqonaya Gulufka Dagaal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab.

Ciidamada Gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamo maraykan ah ayaa inta Badan waxaa Weeraro qorshaysan oo lala Beegsado Xaruumaha Maleeshiyaadka Al shabaab ku leeyihiin Deegaano fara ku  tirisa oo dhaca Koonfurta  iyo Bartamaha Soomaaliya waxaana ka mid ah Weerarkaan ka dhacay Gobolka Shabeelaha hoose kaasoo lagu qaaday gaadiid ay la socdeen Saraakiil Ciidan oo ka tirsanaa Maleshiyada Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...