Maamulka gobolka Jubba hoose oo dhagax dhigay xarun lagu daryeeli doono Caruurta Agoonta ah.

Date:

Muqdisho(SONNA):–Guddoomiyaha ย Gobolka Jubbada hoose iyo gudoomiyaha degamada kismaayo ayaa waxa ay maanta si wada jir ah u dhagaxa dhigeen xarun lagu xanaaneen doono caruurta agoonta ah ee ku nool deegaanada jubaland,waxaan xaruntaasi dhismaheeda iska kaashanayo Dowlad goboleedka jubaland iyo hayโ€™adda Agoonta ee Al-saqaaya.

Dhulka oo ku yaala duleedka waooqyi ee degmada kismaayo ayaa waxaa horey bixiyay madaxweynaha Dowalad gobaleedka jubaland Axmed Maxmed Islaam.

Gudoomiyha degmada kismaayo mudane Maxamed Ibaraahin Yuusuf Timo Jilic ย ayaa sheegay in maamulka degmada kismaayo uu ahmiyad siinayo daryeelka caruurta agoomaha ee ku nool degmada kismaayo.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Gobalka Jubbada hoose mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in Jubbaland ay kamid tahay meelaha ugu agoonta ย badan, maadaam dagaaladii sokeeye ay dhibatooyin ku reebeen dadka iyo deegaanada Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale