Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Banggiga Adduunka oo Muqdisho kulan ku leh

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya kulan looga hadlayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha,iyo mashaariicda Soomaaliya kaasi oo u dhexeeya madax ka socota Banggiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida uu ku soo waramaya Wariyeheena C/rashiid Nuur Ibraahim oo goobta ku sugan .

Kulanka waxaa  yeelanaya kusimaha Wasiirka Maaliyadda XFS ahna Wasiir ku xigeen mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo Wakiilka Banggiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya,iyadoo ay goob joog ka yihiin lataliyaal ka kala socoda Xafiisyada Ra’iisul Wasaraah iyo kan Wasaaradda Maaliyadda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradaasi.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigaya qorshayaasha horumarineed iyo guulaha dhanka maamulka Maaliyadda ah oo ay gaartay Dowladda Soomaaliya iyo kaalinta Banggigga aduunka uu ku leeyahya.

Faah faahinta kulankaasi goor dhow kala soco SONNA.SO

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...