Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo booqday deegaanka Goobweyn

Date:

Wefdi uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ayaa kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, gelinkii dambe ee Talaadadii, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeeddada socdaalka Mas’uuliyiintani ayaa la xiriirta sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha amni iyo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada oo ay qabaan shacabka kunool deegaankaasi,waxaana mas’uuliyiintu ay kormeereen qeybaha uu deegaankaasi ka koobanyahay,si looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa shacabka kunool deegaanada dhaca Waqooyiga Kismaayo ugu baaqey in ay ciidamada Ammaanka kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga.

“Goobweyn muhiimad gaar ah ayay inoo  leedahay,marka waxaan idinka codsanaynaa in ciidamada aad kala shaqeysaan nabadgeliyada,Dowladda ha lataageero,meeshaan waad garanaysaan waqtigii hore sida ay ahaan jirtay,maamulka deegaankana la shaqeeya si amniga loo sugo”, Sidaana waxaa yiri Suldaan Lugadheere.

Waxaa socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ku wehliyay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland,waxaana booqashadan imanaysaa iyadoo dhawaan, maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xero ay lahaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, iyadoo mas’uuliyiintan ay shacabka ugu baaqeen in ay ka qeyb qataan ka hortaga dhagarta cadowga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...