Ciidamada Dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed oo qaaday Jidgooyooyin ay dhigteen Al shabaab

Date:

Muqdisho (SONNA) Maamulka degmada Buurhakaba ee gobalka Bay ayaa ka warbixiyay howlgal ay ku qaadeen jidgooyooyin Maleeyshiyada Al-Shabaab ay dhigteen deegaano katirsan Gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Buurhakaba  ee Gobalka Bay Maxamed Xasan Fiidow oo la hadlayay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in tuulooyin hoostaga degmada Buurhakaba ay ka sifeeyeen jidgooyooyin ay dhigteen Maleeshiyaadka Al shabaab, halkaa oo ay ku dhibaateyn jireen dadka ku safra wadooyinkaasi

“Waxaan ka war helnay in Maleeshiyada Al Shabaab Deegaano hoostaga Degmada Buurhakaba ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka, Markaan goobta soo gaarnay way isaga carareen,  waxaana goobta hada ku sugan ciidanka Maamulka koonfur Galbeed” sidaa waxaa yiri, Gudoomiye ku xigeenka.

Shacabka ku nool deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowlada ayaa si weyn u soo dhaweeyay, wuxuuna Gudoomiye ku xigeenka sheegay in dhibaato badan ay ku qabeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka Howlgaladani ay yihiin sidii la isugu furi lahaa deegaanada ay go’doomiyeen Al shabaab.

“Ma dhici doonto in deegaan ay la wareegaan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowlada dhexe oo is garabsanayo ay dib uga soo laabtaan, U jeedka howlgaladani waa sidii la isugu furi lahaa deegaanadda ay go’doomiyeen Maleeshiyaadka Al Shabaab”.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka oo kaashanaya Ciidamada AMISOM ayaa Deegaano dhowr ah ka wada Howlgalo Argagaxisada Al shabaab looga saarayo goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...