Ciidamada Dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed oo qaaday Jidgooyooyin ay dhigteen Al shabaab

Date:

Muqdisho (SONNA) Maamulka degmada Buurhakaba ee gobalka Bay ayaa ka warbixiyay howlgal ay ku qaadeen jidgooyooyin Maleeyshiyada Al-Shabaab ay dhigteen deegaano katirsan Gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Buurhakaba  ee Gobalka Bay Maxamed Xasan Fiidow oo la hadlayay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in tuulooyin hoostaga degmada Buurhakaba ay ka sifeeyeen jidgooyooyin ay dhigteen Maleeshiyaadka Al shabaab, halkaa oo ay ku dhibaateyn jireen dadka ku safra wadooyinkaasi

“Waxaan ka war helnay in Maleeshiyada Al Shabaab Deegaano hoostaga Degmada Buurhakaba ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka, Markaan goobta soo gaarnay way isaga carareen,  waxaana goobta hada ku sugan ciidanka Maamulka koonfur Galbeed” sidaa waxaa yiri, Gudoomiye ku xigeenka.

Shacabka ku nool deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowlada ayaa si weyn u soo dhaweeyay, wuxuuna Gudoomiye ku xigeenka sheegay in dhibaato badan ay ku qabeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka Howlgaladani ay yihiin sidii la isugu furi lahaa deegaanada ay go’doomiyeen Al shabaab.

“Ma dhici doonto in deegaan ay la wareegaan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowlada dhexe oo is garabsanayo ay dib uga soo laabtaan, U jeedka howlgaladani waa sidii la isugu furi lahaa deegaanadda ay go’doomiyeen Maleeshiyaadka Al Shabaab”.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka oo kaashanaya Ciidamada AMISOM ayaa Deegaano dhowr ah ka wada Howlgalo Argagaxisada Al shabaab looga saarayo goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...