Wasiiro ka tirsan Galmudug oo soo booqay xarunta SONNA, dhiiro geliyayna howlaha ay hayso

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Mudane Cawil  Xirsi  Xasan (Goladiid) iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Daahir Faarax Fiidow oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa soo booqday Wasaaradda Warfaafinta Gaar ahaan Wakaaladad Wararka SONNA,iyagoo bogaadiyay horumarada ka socoda Wakaaladda.

Mas’uuliyiintani ayaa la kulmay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda SONNA,waxaana ku sugnaa kulankaasi Agaasimaha Wakaaladda Filimada Qaranka Soomaaliyeed Saalax Shire,Taifaftiraha Guud ee Wakaaladda SONNA C/araxmaan C/llaahi Maxamed (Kanafa) iyo Madaxa wararka SONNA Cali C/qaadir Cali iyo qaar kamid ah shaqaalaha, oo warbixin ka siiyay mas’uuliyiintaasi howlaha ay bulshada  u hayso Wakaaladda SONNA.

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA doorka ay ka qaataan had iyo jeer Hormarka Dalka iyo sida ay ugu heelanyihiin Baahinta Xaqiiqooyinka ka Jira Guud ahaan Dalka.

“Marka hore waan idinkaga hambalyaynayaa dadaalka horumarineed oo ay sameynayso Wakaaladda’Wakaaladdu dowr muhiim ah ayay ku leedahay horumarka dalka,qofkii ka shaqeeyana waxaan aaminsanahay in uu dhaqsi horumar gaarayo,anaka muddoayaan ka soo howlgalnay warbaahintan,waana soo dhaweynaynaa isbedelada maamul ee dhacay,waxaan u soo jeedinayaa SONNA in ay nagala shaqeyso horumarka Galmudug.Ayuu yiri Wasiir Fiidow.

Ugu dambeyn Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cawil Xirsi Xasan (Goladiid) ayaa sheegay in warbaahinta Qaranka ay dowr muhiim ah ku leedahay horumarka dalka,gaar ahaan Wakaaladda SONNa, wuxuuna sheega in muhiim ay tahay in dib loo soo celiyo xafiisyadii Gobolada ay ku lahayd Wakaaladad SONNA si loo soo celiyo dowrkii ay ku lahayd u adeegista bulshada.

Wasiiradan ayaa ka mid ahaa howlwadeenadii soo maray warbaahinta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Wakaaladda SONNA ,iyagoo ku bogaadiyay shaqaalaha in ay sii kordhiyaan dadaalkooda,ayna ka faa’idaystaan Tiknolojiyada casriga ah ee xiligan jirta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...