Guddoonka Golaha Shacabka oo shaaciyay xilliga uu furmayo kalfadhiga Golaha

Date:

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay in Maalinta Sabtida uu furmayo kulamada Baarlamaanka, si loo sii dar dargeliyo howlaha Golaha horyaalla.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalinka Sabtida ee soo aadan uu furmayo kalfadhiga Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Dhamaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii dib loo bilaabayay fadhiyada uu bilaawday, sababtoo ah muddadii fasaxa ee Xajka wuu dhamaaday, marka Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka” ayuu yiri Cabdikariin Buux.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa ka daldabay Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka inay soo xaadiraan kulanka Khamiista soo socoto la qaban doono oo looga hadlayo sameynta iyo dhameystirka ajandayaashi lagu hagi lahaa kalfadhiyada Golaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...