Guddiga doorashad Kenya”Uhuru iyo Railla keliya ayaa ku tartamaya dorashada 17 October dhacayso”

Date:

Saameyntii ka dhalatay go’aankii maxakamadda sare ee dalka Kenya ka qaadaya natiijada doorashadii uu ku guuleystay Uhuru Kenya ayaa noqotay mid gilgishay dareenka shacabka reer Kenya iyo guud ahaan caalamka.

Hadal haynta ugu badan ayaa noqotay in dalka Kenya uu noqdo wadankii ugu horeeyey oo katirsan Qaaardda Africa oo uu qaato go’aan kaasi lamid ah, taasi oo horey uga dhacday qura wadamo fara ku tiris ah oo katirsan Qaaradaha kale ee Dunida.

Madxweyne Uhuuru Kenyata iyo Railla Odinge ayaa labaduba isku diyaarinayaa in ay galaan doorasho mar kale laqabta, kadib markii guddiga doorashada dalka Kenya uu soo saarey jadwalka doorashada, oo loo iclaamiyay in la qabto 17 bisha October.

War qoraal ah oo kasoo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

Xisbiyada ayaa durba bilaabay ololaha doorashada, iyada oo uu dastuurka qabo in muddo 60 maalmood ah gudahood doorasho lagu qabto laga bilaabo maalinta ay maxkamad laasho natiijada.

Arrinta ugu weyn oo weli taagan murankeedi ayaa ah in madaxweyne Uhuru Kenyata uu diiday in isbedel lagu sameeyo guddiga doorashada, halka Railla Odinge uu aaminsanyahay in uusan la jaanqaadi Karin guddigaasi marxaladda siyaasadeed ee taagan.

Malaayiin taageerayaasha labada dhinac ayaa bilaabay olole uu midkasta ku doonayo in uu ku helo gusha doorashada mar kale la go’aamiyay doonin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...