Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo mar kale isku afgartay siideynta Maxaabiis horleh

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Dhiggiisa Dalka Itoobiya   Hailemariam Desalem kala hadlay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku harsan xabsiyada Dalkaasi.

War Wakaaladda SONNA ka heshey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in Ra’’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu  Khadka telfoonka kula hadlay raiisul Wasaaraha Itoobiya, waxaa ayna mas’uuliyiintani ay siweyn uga wada hadleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodi dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed, ee weli kujira xabsiyada dalkaasi Itoobiya.

Hailemariam Desalem Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa aqbalay codsiga uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa Dowladda Itoobiya waxay ku soo wareejisay Dowladda Soomaaliya maxaabiis tiradooda ay kor u dhaafeyso 140 qof, kuwaasi oo haatan kusugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...