Shil sababay geerida gabar Soomaaliyeed iyo dhaawaca Wariye Axmed Jaaket oo ka dhacay Mareykanka.

Date:

Dhacdadani ayaa timid markii ay isku dheceen gaari nuuca raaxadda ah oo ay saarnaayeen Wariye Jaakad iyo gabadha Geeriyootay  uu ku dhacay gaari Tareen ahaa kaasi oo wadada si xowli ah u marayay, waxaana Jaaket uu sheegay in sababta keentay ay tahay in ay jiraan waddooyin Tareen iyo kuwa caadiga ah oo isdhexmara meelaha qaar, taasi oo shilkaasi keentay.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa faah faahiyaya sida shilkaasi uu u dhacay isagoo kujira isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin ee Mareykanka.

“Gabdha waxaan isku baranay meel lagu barto shuruucda qaadashada kaararka muwaadinimada, waxay I aragtay anigoo socoda, waxaan u sheegay in aan u socdo Bangi, markaasi ayaay is oo qaaday,inta aan soconay ayaa wadada waxa soo galay Tareen oo ku dhacay gaarigeena dhankak gabadha,waxaan isku dayay in aan gaariga ka boodo balse waan awoodi waayay, madaama aan dhaawacmay,waxyar ka dibna waxan arkay gabadhii gaariga igu wadday oo Meyd ah”, Ayuu yiri wariye Axmed Jaaket.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa sheegay in goobtaasi ay soo gaareen Boolis iyo dadweyne kale,kuwaasi oo meesha ka qaaday dhaawaciisa,waxaana uu haatan kujiraa isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin.

Shilalka ka dhacay dalka Mareykanka ayaa ah kuwo halistoodi leh,iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo shil ay waxyeelo ka soo gaarto muwaadiniin Soomaaliyeed uu ka dhoco Mareykanka,waxaana loo aanaynayaa wadooyinka qaar oo ah labo waddo oo isdhexmara ayna wada isticmaalaan Tareenada iyo kuwa kale ee caadiga ah.

Xigasho:VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...