Arday ka qalin jebisay Jaamacadda Jamhuuriya oo xaflad loogu qabtay Muqdisho

Date:

Munaasabad loogu dabaaldagayay qalinjabinta arday tiradoodu gaareyso 281 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Jamhuuriya ee culuumta iyo Teknoolajiyada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya, Waalidiin, Bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku-xigeenka golaha sare ee Jaamacadda Jamhuuriya Cusmaan Cali Xalane ayaa ugu hambalyeeyay ardada qalinjabineysay, maamulka, macalimiinta iyo howlwadeennada Jaamacadda guusha weyn ee la gaaray, isaga oo hoosta ka xariiqay in ujeeddada loo aasaasay Jaamacadda ay tahay soo saaridda Arday tayadoodu sareyso.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Maxamuud Axmed Jimcaale oo la dardaarmay ardayda qalinjabineysay ayaa u sheegay in guusha dhabta ah la gaari doono marka waxa ay ardaydu barteen ay uga faa’ideeyaan mujtamaca Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo ka hadlay munaasabada ayaa tilmaamay in ay tahay guul weyn oo usoo hooyatay Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay bahda Waxbarashada in ay ku dadaalaan sare u qaadista tayada tacliinta sare ee dalka.

Qaar ka mid ah ardadii qalin jabineysay oo dareenkooda cabiray ayaa muujiyay in ay ku faraxsanyihiin miradhalka go’aankii ay gaareen afar sano kahor.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...