Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Puntland oo talaalaysa saddex Milyan oo Neef

Date:

Muqdisho(SONNA) Kooxahaani dhakhaatiirta ah ee ay dirtay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa dawayn iyo tallaalid u samayn doona malaayin xoolo ah oo ku dhaqan deegaanada Puntland, laga dawayn doono cuduro kala duwan oo ay jadeecadu gu horayso.

Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Puntland Dr C/rixman Maxamed Xaji {Xunbul} ayaa tilmaamay in talaalkan uu faaโ€™ido badan u leeyahay xoolaha madaama ay jiraan xanuun xoolaha ku dhaca, kuawasoo looga dabiibayo tallaal iyo daawayn wada socda.

Dr. Abshir Siciid Yusuf oo ka socday Hayโ€™ada FOA oo iyada barnaamijkaan si gaar ah uga taageerta Puntland wuxuuย  sheegay in sanooyinkiiย  ugu dambeeyay ay talaaleen malaayiin Xoola ah, iyagoo bartilmaamedkoodu yahay Cudurada faafa.

Dr Abshir ayaa xusay in kooxahan Wasaaraddu dirayso in ay talaali doonaan sedex Milyan oo neef, ayna ka talaali doonaan laba cudur oo ah kuwa faafa waxaana xanuunada laga talaalayo xoolaha uu sheegay in ay yihiin jadeecada iyo xanuunada kale ee faafa.

Wasiirka Xananada Xoolaha ee dowlad goboleedka Puntland ย C/laahi Shiikh Axmed waxa u dardaaran u jeediyay dhakhaatirta Xananada xoolaha kuna booriyay in loo naxariisto reer guuraaga xilliga ay ku guda jiraan dawaynta xoolaha.

Xoolaha waa laf dhabarta dhaqaalaha guud ee Soomaalida, iyadoo sanooyinkii u dambeeyay ay dhaceen abaaro saameeyay nolasha xoolo badan oo ay nooli ka heli jireen reer guuraaag Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...