Maxaa ka soo baxay kulankii R’iisul Wasaare Khayre iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta?

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda, uu ugu horeeyo Wasiirka warfaafinta Mudane Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Eng: Yariisow ku xigeenka C/raxmaan Iidan Yoonis iyo qaar kamid ah Agaasimahaasha Waaxyaha ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar  Cismaan Yariisow ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha hawlaha ka socda Wasaaradda, Waaxyaha kala duwan sida ay u shaqeynayaan iyo dowr ka Wacyi galinta ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa aad u amaanay hawlaha ka socda Wasaaradda Warfaafinta, isagoona bogadiyay in la sii dardar galiyo Wacyi galinta bulshada, Mudane Xasan Cali Kahyre ayaa sheegay in Xukuumadda ay si weyn u garab taagan tahay Warbaahinta Dowladda oo kaalin muhiim  ah ka qaadaneysa Horumarka Dalka.

Ugu dambeyn Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka oo xarunteeda ay ku dhex taalo Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna warbixin ku saabsan sida ay u socdaan howlaha Wasaardaasi ka dhageystay Wasiirka Haweenka, Marwo Deeqa Yaasiin, Raiisul Wasaaraha ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Wasaaradahan in ay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

Gobolka Mudug waxaa ka taagan abaar daran oo si...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...