Muqdisho(SONNA) Dagaal u dhexeeya ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Argagixisada Alshabaab ayaa saaka waaberigii ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Maleeshiyaad katirsan Kooxga nabaad diidka ee Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero ciidamada ay ku leeyihiin Deegaanka Buula-Guduud oo qayaas ahaantii 30 KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Ksimaayo, gaar ahaan wadada soo aada magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal deegaanka ah ayaa SONNA u sheegay in qof naftii halige ah oo gaari watay aroortii hore uu isku qarxiyay meel u dhow xero ay leeyihiin ciidamada,iyadoo markaasi ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay dagaal kala hortageen,waxaana weli soconaya dagaalka.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashey,balse ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo diyaar garow ku jirey ayaa dagaal kala hortagay maleeshiyadii SHabaab ee weerarkaasi soo qaaday.
Magaalada Ksimaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka soconaya dhaq dhaqaaq gurmad loogu dirayo ciidamada dagaalka kula jira Argagixisada Shabaab.
Wixii warara dheeraad ah SONNA kala soco