Ciida Soomaalida kunool Dalka Mareykanka

Date:

Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka  waxaa si wadajir ah looga tukaday Salaada Ciidul-Adxaa oo ahayd munasabad qiima weyn u leh dhamaan shucuubta islaamka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis iyo qaar kamid ah ajaanibta kale ee muslimiinta ah oo kunool dalkaasi, ayaa iyagana Salaadda Ciiddul Adxa ku oogay Masaajidda waaweyn ee kuyaala halkaasi, kuwaasi oo isugu marxabeynayay farxad iyo reynreyn.

Qaar kamid ah culimaa’udiinkii iyo waalidiintii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay farxadda ciidda ee kunool Mareykanka ayaa waxaa ay u rajeeyeen shacabka Soomaaliyeed in ilaahay uu ka saaro dhibaatooyinka.

“Calankeyna Soomaaliyeed ilaahay sharaftiisa kor ha u qaado, dareenkeni waa uu fiicanyahay, balse waxaan leenahay, ilaahoy dalkeena nadabd nooga dhig,calankayna kor, cadowga ilaahay ha inaga qabto,ilaahay xabadda iyo dabka haka densho, roob allahainasiiyo,” Sidaasina waxaa ku duceysay hooyo Soomaaliyeed.

Dadka ayaa waxa wejiyadooda ka muuqday farxadda ciidda,waxaana ay isugu hambalyeynayeen munaasabadda ciida, iyadoona ciidani ay dadka muslimiinta ah ee ilaahay wax siiyay uga faa’iideystaan in ay ka farxiyaan dadka danta yarta ee aan waxba heysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...