Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Buurta Carrafa

Date:

Waxaa maanta ku cibaadaysanaya Buurta Carrafo,Malaayiin xujey ah ayaa maanta ku cibaadeysan doona buurta Carafat si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka,Xujeeyda ayaa taagnaan doona banka carrafa waxayna taagnaan doonaan ilaa qoraxda ay ka dhacdo.

Culimaa’udiinka ayaa sheegaya in gudashada waajibaadka xajka ay tahay tiirarka ugu weyn ee islaamka.

Maalaayiin kale oo kunool daafaha caalamka oo aan u suuro galin ayaa iyana bilaabay in ay soomaan taasi oo qeyb ka ah gudashada cibaadada waqtigan, kuwaasi oo eebe ka rajaynaya in uu siiyo dembi dhaaf badan.

Dhanka kale Dowladda  Sucuudigu ayaa sheegtay in ay sannadkan dib u celisay ku dhawaad 400,000 oo qof oo aan sidanin waraaqo rasmi ah oo ay ku geli karaan dalka si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Sannadkan dadka laga celiyey waxa ka mid ah xujayda Iran ee sannadkii hore qaadacay Xajka markii dawladoodu sidaa ka codsatay, ka dib khilaafkii Sucuudiga iyo dalkooda ee ay isku maan dhaafeen shilkii Xajka ka dhacay 2015-kii ee 2300 qof ku dhinteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...