António Guterres oo Israa’iil ka codsaday inay cunaqabateynta ka qaado Gaza.

Date:

Xoghayayha Guud ee Qaraamada Midoobay António-Guterres ayaa ugu baaqay Xukuumadda Israa’iil inay go’doominta ka qaado Marinka Gaza ee dhulka falastiin ayna hagaajiso duruufta nolasha dadka muwaadiniinta falastiin ee Marinkaasi ku nool.

Shir jaraa’id  uu ku qabtay  Dugsiga hoose ee Halab  magaalada Beit Lahia oo ku yaal waqooyiga Gaza ayaa sheegay in mushukiladda ka taagan Gaza ay u baahan tahay xal  caalami ah, wuxuuna falastiin ugu baaqay inay kala qeybsanaanta dhexdooda ka midoobaan.

Xoghayayha Guud ee Qaraamada Midoobay António-Guterres Wuxuu bulshooyinka Caalamka ka codsaday inay taageero bani’aadanimo ah u fidiyaan falastiiniyiinta ku nool magaalada Gaza oo uu qiray inay haysato duruufo aad u adag  oo xagga nolashada ah, kadib markii Israa’iil dooc waliba ka gu’doomisay taasoo sanooyin badan saaraneyd Gaza.

Wuxuuna António-Guterres sheeghay inuu aad u  jaclaan lahaa inuu mar arko Dowlad falastiin ah oo la jaar ah Israa’iil  oo ah laba Dowladooda oo  ku wada nool amni,nabadgelyo iyo baraare, waxeyna taa dhaboobi kartaa ayuu yiri” hadii shacabka falastiin ka fogadaan kala qeybsdanaanta dhexdooda ah oo iminka ku dhex jirta” taasoo uu cadeeyey inay qadiyaddooda dhaawacaysa, ayuu intaa raaciyay Xoghayaha guud ee Qaraamada Midoobay.

António-Guterres, intii uu joogay Marinka Gaza, waxa uu la kulmay  Caruurta dhigata Dugsiga hoose ee Halab  magaalada Beit Lahia iyo haweyn ka mid ah  qaxootiga falastiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...