25 qof oo ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay Duleedka Jowhar

Date:

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegayaa 25 qof ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaan duleedka ka h magaalaad Jowhar.

Shilkan gaari ayaa yimid markii ay isku dheceen labo gaari oo xamuul ah oo mid uu waday dad shacab ah halka kan kalena uu wadey 100 neef oo ari ah, waxaana halkaasi ku burburey baabuurkii ay shacabku saarnaayeen, kaasi oo dhaliyay dhaawaca ilaa 25 qof.

Goobjoogayaal ay SONNA lahadashey ayaa sheegay in deegaanka uu shilkaasi ka dhacay lagu magacaabo Crash Program oo qayaas ahaantii 10 KM dhanka Koonfureed kaga aadan magaalaad Jowhar, waxaan dhaawacyadaasi oo isugu jira 21 rag ah oo darawalkii gaariga uu kujiro iyo 4 haweeen ah  loo qaaday isbitalka magaaladaasi.

Dhaawacyadaasi ayaa markii dambe waxaa loo soo qaaday isbitaalada Magaalaad Muqdisho, kadib markii xaaladooda wax looga qaban waayay magaalada Jowhar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho. 1- Madaxweyne Xasan...

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...