Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Maanta Muqdisho Shir ka furtay

Date:

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cabdiraxman Ducaale ayaa maanta Muqdisho ka furay shir ay ka qayb galayaan Sagaal Wasaaradood iyo Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaran.

Shirkaan oo ku saabsan hagaajinta hanaanka Maaaliyadeed ee Dalka waxaa goob joog ka ah Xisaabiyayaasha ka socda Wasaaradaha ugu shaqada badan XFS.
Xisaabiyaha guud ee Qaran Axmed Yuusuf Muumin ‘Siraaji’ oo ka hadlay furitaanka Shirka ayaa sheegay in hada hanaanka maaliyadeed ee Dalka uu aad uga wanaagsanyahay sanado ka hor sidii uu ahaa.
Sidoo kale Wasiir Bayle oo Shirka furay ayaa ku dheeraaday ka hadalka sida loogu baahanyahay in laga fogaado musuqmaasuqa, isagoo sheegay in dhawaan la rajeynayo in isku filnaasho lagaaro.
Maalmihii ugu damneeyay Wasaaradda Maaliyaddu waxay waday shirar iyo Tababaro kor loogu qaadayo aqoonta maamulayaasha maaliyadeed ee Hey’addaha Dowladda si wax isdaba marsiin looga fogaaado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...