Heshiis laga gaarey dagaal beeleed ka dhacay Buuhoodle

Date:

Dadaalo nabadeed oo in muddo ah soconayay ayaa waxaa lagu guuleystay in xal laga gaaro dagaal beeleed ka dhacay  degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, 24 saacadood aynu soo dhaafnay gudohooda kulamo nabadeed oo halkaasi ka dhacay.

Odayaasha dhaqanka iyo culimaa’udiinka labad dhinac ee dagaalka uu dhexmaray ayaa ka qeyb qaatay dadaalkaasi, iyadoo guddi nabadeed oo waxgarad ah, kaasi oo  ka socoday magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ay ka qeyb qaateen heshiiskaasi.

Dagaalka dhexmaray labada beelood oo walalaha ah ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa 10 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, balse heshiiskaasi la gaaray ayaa faraya in dhinac kasta uu nabadda qaato islamarkaana aanu dhicin wax xadgudub ah.

Qadar Cali Jaamac oo hogaaminayay guddi nabadeed oo ka baxay magaalada Laascaanood ayaa warbaahint au faah faahiyaay waxyaabihii lagu heshiiyay.

“Waxaanu ku guuleysanay in aan heshiis nabadeed kala dhexdhigno beelihii halkani ku dagaalamay, waxyaabaha lagu heshiyay waxaa kamid ah in qofkii qof dila ladilo, qofkii xadgudub sameeya la ganaaxo,runtii waxaan dhihi kartaa waa wax ku deyasho mudan talaabada ay ku dhaqaaqeen dadweynaha reer buuhoodle oo ah qaabka ay nabadda u qaateen”, Sidaasina waxaa yiri Nabaddoon Qadar Cali Jaamac.

Magaalada Buuhoodle iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa waxaa in muddo ah ka dhacayay dagaal beeleedyo soo laalabta, inkastoo waxgaradku ay u taagan yihiin mar walba sidii looga miro dhalin lahaa hanaanka nabadeed iyo wada noolaanshaha bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...