Xildhibaan ku geeriyooday Jowhar oo aas loo sameey

Date:

Waxaa saaka Aas loogu sameeyay Magaalada Jowhar Allaha u naxariistee Marxuum Aadan Macalin Cali oo ka mid ahaa Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Marxuumka xalay fiidkii ayuu wadnaha istaagay waxaana ka qeybgalay Aaska Xildhibaanka Madaxweynaha KMG ahna Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Mdย Cali Xuseen Guudlaawe, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Wasiiro iyo Xildhibaanada Hirshabeelle.

Dhamaan dadkii goobta isugu yimid waxay Alle uga baryeen inuu naxariistiisa Janno Siiyo jannatul Fardowsana Ka waraabiyo. Aamiin Aamiin

Marxuumka ayaa la xanuunsanayaay naqas isbitaal Jowhar ayuu ku jiray in muddo ah markii dambe ayuu u dhintay.

Marxuum Aadan Macalin Cali ย waxa uu jiraa daโ€™da 55 sano jir, waxaana mar uu soo noqday Guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ee Gobolka Hiiraan, isagoo Xildhibaanimada ka soo galay Gobolka Hiiraan.

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUNโ€ฆ..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...