Xildhibaan ku geeriyooday Jowhar oo aas loo sameey

Date:

Waxaa saaka Aas loogu sameeyay Magaalada Jowhar Allaha u naxariistee Marxuum Aadan Macalin Cali oo ka mid ahaa Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Marxuumka xalay fiidkii ayuu wadnaha istaagay waxaana ka qeybgalay Aaska Xildhibaanka Madaxweynaha KMG ahna Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Md Cali Xuseen Guudlaawe, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Wasiiro iyo Xildhibaanada Hirshabeelle.

Dhamaan dadkii goobta isugu yimid waxay Alle uga baryeen inuu naxariistiisa Janno Siiyo jannatul Fardowsana Ka waraabiyo. Aamiin Aamiin

Marxuumka ayaa la xanuunsanayaay naqas isbitaal Jowhar ayuu ku jiray in muddo ah markii dambe ayuu u dhintay.

Marxuum Aadan Macalin Cali  waxa uu jiraa da’da 55 sano jir, waxaana mar uu soo noqday Guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ee Gobolka Hiiraan, isagoo Xildhibaanimada ka soo galay Gobolka Hiiraan.

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN…..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...