Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Masar

Date:

Shirka sannadkaan oo maalintii Talaadada furmey waxaa diiradda lagu saarayay amniga Duulimaadka iyo garoomada iyo horumarinta Saadaasha hawada dalalka gobolka.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ka qeyb-galay furitaanka shirweynaha Wasiirrada Duulista ee waddamada Carabta iyo Africa oo ka dhacay sannadkaan dalka Masar, ayaa khubad uu ka jeediyey shirka ku sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumarro waa weyn oo ay qeyb ka yihiin arrimaha Duulista iyo maamullidda hawada dalkeeda

“Wasiirka Duulista Masar waxaan isla garannay inaan diyaarinno heshiisyo lagu fulinta doono dhinacyada ay Soomaaliya ka taageerayaan iyo wada shaqeynta duulimaadka diyaaradaha” tababaridda shaqaalaha garoomada iyo kor u qaadidda barnaamijka lagu maamuli doono Hawada Soomaaliya ayeey dowladda Maser gacan naga siin doontaa” ayuu yiri Wasiirka Duulista Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa caasimadda Masar kulamo gaar-gaar ah kula qaatay Wasiirrada dhiggiisa ah oo uu ka mid yahay wasiirka Duulista Masar, waxa ay isku soo qaadeen sidii labada dal ay u abuuri lahaayeen jawi iskaashi dhanka Duulimaadyada ah iyo in diyaaradda dalka Maser ay Soomaaliya ka bilowdo Duulimaadyo Toos ah

Shirka waxa uu dhammaan doonaa khamiista waxaana  jiri doona kulammo kale oo u dhaxeeya wasiirrada dalalka ku jira ururka OCI iyo ICAO.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...