R/Wasaare Khayre “Waxaan joognaa waqtigii aan u gudbi lahayn ficil iyo Waxqabad”

Date:

Muqdisho, August 23, 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka, kulanka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka iyo Hay’adaha uu la kulmay Safiiradooda. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Amniga iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW.

Mudane Xasan Cali Khayre oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday wax yaabihii u qabsoomay Xukuumadda dhowrkii bilood ee laga soo gudbay, gaar ahaan dhinacyada Gurmadka Abaaraha, Amniga, Dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqa iyo sidii bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa nidaam dawladnimo ee hufan.

“Qof kasta oo idiinka mid ah wuu og-yahay Horumarka ballaaran ee aan dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sameyney , waxaan joognaa waqtigii aan ka gudbi laheyn hadal kaliya una gudbi lahayn ficil iyo Waxqabad. Waana sababta aan halkan isagu nimid si aan uga hadalno kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka la gaaray sidii horey loogu sii wadi lahaa. “ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay bilowday nidaam isla xisaabtan dhinacyo badan, kana codsaday Beesha caalamka iney la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed. Isagoona ugu baaqay inay si dhab ah u garab istaagan dawladda islamarkaana ka dhabeeyaan balan qaadyadii ay horey u sameeyeen.

Dhinaca kale waxaa kulankaas ka hadlay qaar kamid ah Safiirada beesha caalamka oo dhamaantood balan qaadey inay garab istaagi doonaan Xukuumadda Soomaaliya isla markaana xusay sid ay u dhacsan yihiin dadaallada ballaaran iyo guulaha la gaaray waqtiga kooban.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...