Guddoomiye Najax “Waxaan qorsheyneynaa inaan adeega dowliga ah gaarsiino goobaha lagala wareegay Al-Shabaab”

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka iyo mas’uuliyin kale ayaa kormeer ku sameeyay wadada xiriirisa Degmada Afgooye iyo Deegaanka Nambar 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa in mas’uuliyinta gobolka ay ugu kuurgalaan xaaladda amni ee waddada, iyadoo wadada xiriirisa nambar 50 iyo Degmada Afgooye ay muhiim u tahay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha,

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa kulan looga hadlayay xaaladda amni ee waddadas waxa uu la qaatay saraakiisha AMSIOM ee ku sugan  deegaanka Nambar 50 iyo maamulka deeganka

Guddoomiyaha Deegaanka Nambar 50 Cabullahi  Cali Axmed Waafow  ayaa  guddomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose uga mahadceliyay booqasahda uu ku yimid deegaanka,  isago sheegay  in xaaladda amni ee waddada tahay mid la isku haleyn karo.

Guddoomiyaha  Gobolka Shaabellaha Hoose Mudane Ibraahinm Aadan Cali Najax ayaa bulshada ku dhaqan deegaanka Nambar 50 ugu baaqay in ay ka qeybqaatan dagaalka lagula jiro argagixisada, isagoo shegay in howlgalka lagu baacsanayo Al-Shabaab ee ku dhuumalesanayo qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose  uu sii socon doono.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay la waregen deeganka Bariire iyo Tulooyin hoos yimada, iyado maamulka Gobolka Shabellaha Hoose uu shegay in deganada lagala waregay Shabaab ay gaarsiin doonaan nidaamka dowliga ah.

Maxamed Cali Cumar Jubba

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...