Muqdisho, 20 August 2017 –Raβiisulβ βWasaarahaβ βXukuumaddaβ βFederaalkaβ βSoomaaliyaβ βMudaneβ βXasan Caliβ βKhayreβ βayaaβ βmaantaβ βimtixaan deeq-waxbarasho ah u furay 2,400 oo arday kuwaas dhamaysatay waxbarashada heerka dugsiga sare, isla markaana ka soo baxay iskuullo ku yaala dalka β βooβ βayβ βqaadaneyso Jaamacaddaβ βUmaddaβ βSoomaaliyeed.
Raβiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey dhammaan qeybaha lagu qaadayo Imtixaanaadka, wuxuna bogaadiyey sida hufan ee loo agaasimay hawsha imtixaanka, isagoo dardaaran u jeediyey hawl-wadeenada qaadaya imtixaanka iyo ardayda u fariistay imtixaankan. Waxa uu ardayda u sheegay inay ka faaβiideystaan fursadan muhiimka ah ee hortaala.
βInagoo og in baahiyo badan oo kala duwan ay jiraan dhanka Waxbrashada, ayaan hadana waxaan diiradda saarnaa baahiyada kuwa ugu muhiimsan inaan sida ugu macquulsan wax uga qabano. Shacabkeena waxaa uu xaq u leeyahay inuu helo adeeg la bixiyo kan ugu wanaagsan dhinac kastaβayuu yiri R/W oo ka hadlayay muhiimadda ay waxbarashada iyo Imtixaanaadkan u leeyihiin horumarka dalka.
Sidoo kale, Raβiisul Wasaaraha ayaa booqday qoys Soomaaliyeed oo qasaare ka soo gaaray weerar ay koox hubaysan ku qaaday gaari ay saarnaayeen oo marayey gudaha magaalada Muqdisho, waxana uu ilaah uga baryey in intii ka dhimatay uu Janadii geeyo, inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo.
DHAMMAAD

