Tan iyo intii ay Dhalatay Dowladda Shacabka ee ay Hogaaminayaan Mudane Maxโed C/llaahi Famaajo Madaxweynaha JFS, ย Iyoย Raโiisul wasaare ย Xasan Cali Khayre, waxaa guud ahaan wada Iftiimay wajiyada Dad fara badan.
Wajiyo niyad jabay, kana quustay in mar kale aysan arki doonin Qaran wada shaqayn ka dhaxayso isaga iyo ย shucuubtiisa, wajiyo in badan la dulminaayey oo shib isaga ahaa dhibaha ay u gaysanayaan Dad asaagooda ah , wajiyo la dhihi karo isbedelka wanaagsan ee maanta ka jira Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa u sabab ah, marka laga reebo doonista ilaah.
Haddii arintaas daliil loo raadiyoย waxaa daliil nooga filan , horumarada dhinacayadaย Ammaanka,sida dib uga xoraynta goobaha ay dulaysteen ee dalka ka mid ah Argagixida, kororsiimada Dhaqaalaha, La dagaalanka Musuqa, isdabamarinta iyo ย dib u hagaajinta kaabayaasha dhaqaalle ee dalka, wax u qabashada inta taagta daran sida Barakacayaasha iyo kor u qaadidadda Niyadaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed Rag iyo Haweenba.
Waxaa jira qorshe xukuumadda ugu talgashayย 2017- 2021 oo qeexayaย hadafkii Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi ย Farmaajo ee Nabad iyo Nolol, ย kaas oo lagu soo koobi karo saddex qodob A- ka-guul-gaarista dalka sida la dagaalanka argagixisada B) Dhisidda hayโadaha garsoorka. c) Kobcinta dhaqaalha iyo abuurka shaqada iyo shaqaalaha., , kuwaas oo lagama maarmaan u ah xasilloonida..
Dhinaca Amaankaย waa udub dhexaadka nolosha, laโaantiisna lama gaari karo wax horumar ah. Sidaas awgeed, sugidda Amnigu waa waajibka ugu sareeya ee saaran Dowladda, shacabkuna kula xisaabtami doono.
In amniga wax laga qabto waxay u baahan tahay fikir cusub iyo hannaan ka duwan kuwii hore, kuna saleysan geesinimo, dhiiranaan iyo goโaan adeyg, si loo badbaadiyo Qaranka, Xukuumadda oo taas ka duuleysa, waxay abbaartay dhabbihii lagu heli lahaa hayโado Amni iyo Ciidan wax-ku-ool ah, kuwaas oo kasban kara taageerada shacabka.
Howlaha Dhinaca Amniga ee u qabsoomeyย Xukuumadda waxaa ka mid ah:
- Joogteynta mushaaraadka iyo gunnooyinka hayโadaha amniga, taasoo intii mudda aheyd aan suurtogeli jirin.
- Ka guul-gaaridda xakameynta hubka sharci-darrada ah, taasoo kordhineysa Nabadda iyo deganaanshaha Dalka;
- Howl-gelinta Ciidammo u gaar ah Nabadeynta Caasimadda, kuwaas oo kormeerro iyo howlgallo joogta ah ka sameeya magaalo madaxda;
- Qaadidda jid-gooyooyin sharcidarro ah oo lagu waxyeeleyn jiray shacabka, loogana qaadi jiray lacago sharci-darro ah;
Garsoorka Iyo cadaaladda:Dal aan laheyn hannaan hufan oo caddaaladeed ma gaari karo xasillooni, horumar iyo nabad waarta. Caddaalad darradu waa sababta keentay burburka iyo kala dambayn laโ aanta.
Haddaba, Dowladi ma kasban karto shacabkeeda, haddii aysan lahayn Nidaam-caddaaladeed oo suga xuquuqda muwaadinka,isla markaan ilaalinaysa naftiisa, hantidiisa iyo xorriyaddiisa. Iyadoo taas ka duuleysa, Xukuumaddu waxay ahmiyad ballaaran siineysaa hirgelinta nidaam-caddaaladeed oo loo siman yahay waafaqsanna Shareecadaย Islaamka, sida uu qeexayo Dastuurka, kana dhaqan galaysaย dalka oo idil, si loo joojiyo gabood-falada iyo caddaalad darrada hareysay ummadda Soomaaliyeed.
Kobcinta Dhaqaalaha:-ย Xukuumadda FS ย waxaa ka goโan in ay xoojiso dhaqaalaha dalka, iyo sidii loo gaari lahaa isku-filnaansho la taaban karo.
Saboolnimada ka jirta Soomaaliya maโahan mid dabiici ah ย waxaa abuuray colaadaha, iyo xasillooni-darrada ragaaday oo rajo-beel iyo darxumo ku noqotay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada iyo danyarta, Dhaqaalaha dalku ma kobci karo haddii aan lala dagaallamin musuq-maasuqa, caddaalad-darrada iyo amni-xumada.
Howlaha u qabsoomey Xukuumadda FS ee dhanka kobcinta dhaqaalaha waxaa ka mid ah:
- Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada khuseeya dhaqaalaha sida Sharciga Maareynta Maaliyadda, Sharciga Biyaha, Sharciga Beeraha, Sharciga Shirkadaha, Sharciga Istaatiistikada, Sharciga Kalluumeysiga, Sharciga Batroolka, Sharciga Badda iyo sharciyo kale oo khuseeya kobcinta dhaqaalaha.
- Ka guul gaaridda soo celinta Astaanta Internetka ee Qaranka (.SO), taasoo noo fududeyneysa in aan la jaanqaadno isbedelka adduunka ee isticmaalka teknoolajiyada iyo internetka.
- Dib u habeynta qaabka loo maareeyo bixinta kharashaadka dowladda, si loo mariyo habraaca iyo nidaamka Maareynta Maaliyadda.
- Bilaabidda hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee ah kii ugu horreeyay muddo gaareysa 35 sano
Gurmadka Abaaraha:Waxaa dalka soo maray abaaro baโan oo soo jiitamaysay dhowr sano, taas oo dhibaatooyin baaxad leh u geysatay kumannaan qoysas Soomaaliyeed.
Abaarta iyo waxyeelladeedu waxay halis ku noqdeen jiritaanka deegaanno, duunyo iyo nolosha dad badan oo shacab ka mid ah. ย Xukuumadda oo kaashaneysa shacabka, waxay dusha u ridatay waajibka ah in si deg-deg ah wax looga qabto musiibooyinka abaaraha.
Howlaha qabsoomay dhanka Gurmadka Abaaraha waxaa ka mid ah, Dardar-gelinta howlaha Guddiga Abaaraha dhanka qaylo-dhaanta, abaabulka, uruurinta deeqaha iyo gaarsiinta deeqahaas dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan,wax badana waa laga qabtay, inkastoo ay abaaruhu galaafteen dad iyo duunyo fara badan .