Wasiir Xoosh oo la kulmay Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud iyo La-taliyayaal ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta la kulmay Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa waxaa ugu horeeyn Wasiirka iyo Xubnahii la socday soo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddiga Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid.

Intaa kadib, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Guddiga uga warbixiyay hawlaha Wasaaradda ay wado.

“Anaga markii aan la wareegnay xilka Wasaaradda waxa aan go’aansanay in aan bilaawno u diyaar garowga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, waxa aan kulamo wadatashi ah ku qabanay qaar kamid ah dawlad goboleedyada oo aan ku dhageeysaneynay ra’yiga shacabka ee ku aadan Ololaha dib-u-eegista Dastuurka ee dalka ka bilaabmi doona sanadkan” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, AVV Cabdi Xoosh oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay wadashaqayn dhexmarta Wasaaradda iyo Guddiga ay yiri “In aan wadashaqayn idin la yeelanno waa mid lagama maarmaan ah oo aan su’aal la gelin karin oo ay tahay in aan bilawno, diyaar ayaan idiin nahay waqti walba oo aad noo baahataan si aad su’aallo nooga weydiisaan hawlaha socda; farxad wayn bay ii tahay in aan wadashaqayno Guddigan oo xubnaha katirsan badankood aanu nahay asxaab horey u soo wadashaqeysay oo kawada tirsanaa Baarlamankii 9aad” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Gudoomiye Cabdi Qaybdiid ayaa Wasiirka uga mahadceliyay hawlaha ay Wasaaradda qabatay, waxa uuna u ballanqaaday in ay si dhaw u wadashaqayn doonaan si dadka Soomaaliyeed ay u heelaan Dastuur dhameeystiran.

Gebagabadii, Wasaaradda iyo Guddiga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa ku ballamay wadashaqayn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...