Madaxweyne Farmaajo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Masar

Date:

Qaahira, Ogosto 20, 2017- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay Gegada Caalamiga ah ee Qaahira ayaa loo gudbiyay Qasriga Madaxtooyada ee Al Itixaadiya, halkaas oo isaga iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdul Fataax Al Sisi ay si wadajir ah salaan sharaf uga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas.

Labada Madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo socdaalka.

Ajandayaasha kale ee Madaxweyne Farmaajo iyo Al Sisi ay ka wada hadleen waxaa kamid ahaa in Egypt Air ay duullimaadyo toos ah ka bilowdo Muqdisho iyo Qaahira, in dal ku-galka Masar loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku safraya baasaaboorka shaqaalaha iyo diblomaasiga, in dowladda Masar ay ka hirgaliso Soomaaliya xarun lagu tababaro diblomaasiyiinta iyo in la kordhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay kawada hadleen.

Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la leh wasiirrada dhiggooda ah ee Masar iyaga oo ka wada hadlaaya sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isdhaafsi uga yeelan lahaayeen dhinacyada beeraha, waraabka, tamarta iyo kalluumeysiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa barri kulamo la qaadan doona Sheekha Al-Azhar Dr.Axmed Al-Dayib iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiirrada Arrimah Dibadda, Beeraha, Tamarta iyo Biyaha, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

UNTMIS iyo Safiirka UK oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS)...

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka caasimadda

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi,...

Madaxweynaha JFS oo kulan ku casuumay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga...

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...