Guddoomiyaha Maxkamadda Sare”Waxaan bilaabi doonaa Barnaamijyo Bulshada aan ugu ifineyno shuruucda dalka”

Date:

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan oo maanta xafiiska kula hadlay warfidiyeenada  ayaa waxa uu sheegay in uu bilaabi doono Barnaamijyo taxano ah oo shacabka Soomaaliyed loogu ifinaayo shuruucda dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa intaa ku daray in Barnaamijyadaan taxanaha ah oo isbuuciiba 2-jeer ay Bulshada usoo bandhigi donaan si loo fahansiiyo shuruucda iyo qawaaniinta dalka, waana Barnaamij wacyigilin iyo baraarujin ku saabsan kaa oo looga gonleeyahay sidii Bulshada iyo dhamaan Hay’adaha dowladda ay u hogaansami lahayeen  shuruucda dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arimo badan oo ay ka mid yihiin qofka muwaadinka ah inta uu ogalyahay in xoriyadiisa laga qaadi karo mudada uu  sharciga  qabo.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa ugu danbeyntii soo hadal qaaday in lagama maarmaan ay tahay in Bulshada loo iftiimiyo shuruucda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...