Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in uu gaaro dalka Masar

Date:

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo aya maalinta axada ah waxa ay booqasho rasmi ah ku tagi doonan dalka masar, kadib markii uu madaxweynaha casuumaad rasmi ah  ka helay dhigiisa Masar C/fitaax Al-SiiSi.

Warqad kaso baxday safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar aya lagu xaqiijiyay in madaxweynaha JFS Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo uu dalka Masar ku imaanayo booqasho rasmi ah, lana kulmi doono jaaliyadda iyo ardayda ku sugan Qaahira, waxaana warqada kaso baxday safaaradda lagu ogaysiinaya bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan Masar in kulanka uu ka dhici doono MARKAZ MUTAMATAAD AL-AZHAR QAACADA FUSDHAAD.

Maalinta isniinta oo ku beegan 21-08-2017, imaatinka dadweynaha aya bilaabanaaya 7:00pm waxuu ku egyahay galida hoolka 8:00pm.

Waxa warqada ku xusan in xiligaasi wixii ka danbeeya la xiri doono wadooyinka sababo la xiriiro dhinaca amniga.

Ugu danbeyna waxay safaarada ka codsatay Bulshada Soomaaliyeed iney ilaaliyaan waqtiga imaatinka hoolka.

W/D:- Wariye Mowliid Hassan Abdi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...