Guddoomiye Jawaari “Barlamaannada Afrika waxay isku raaceen wax u qabashada dhallinyarada”

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ku heshiyeen Baarlamaannada Afrika sidii loo xoojin laha wax u qabshada dhallinyarada Qaaradda ku nool, loogana hortagi lahaa dhibta tahriibka.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hoosta ka xariiqay in shirka dhawaan lagu soo gabo gabeeyay dalka Koonfur Afrika diiradda lagu saaray sidii dhallinyarada Afrika loo siin lahaa fursado shaqo, looga warqabi lahaa xaaladaha ay ku suganyihiin.

“Waxaa gaar ahaan loo soo qaatay arrimaha dhallinyarada Afrikaanka ah, Qaaradda Afrika waxaa ku badan dhallinyarada, waxayna u baahantahay in si gaar ah loo tixgeliyo, in loo wada duubta sidii dhallinyarada wax loogu qaban lahaa iyo Baarlamaanada Afrika ay dabagal ku sameeyaan Xukuumadahooda waxa loo qabtay dhallinyarada” ayuu yiri Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...