Dowladda Mareykanka oo ka hadashay arrinta Mukhtaar Roobow

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu amaanay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ka geysatay in uu isku soo dhiibo dowladda federaalka Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay taageereyso qorshaha Soomaaliya hoggaaminayso oo lagu bahdilayo saameynta Al-shabaab isla markaana lagu sameynayo isfaham iyo isku soo dhowaansho, taas oo ay kamid tahay isu soo dhiibidda xubnaha sar sare ee Al-shabaab, dib-u-heshiisiinta, kor u qaadista dowladnimada iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.

Mareykanku waxaa uu dowladda Soomaaliya ku boorinayaa in ay sii waddo dadaalada jidka u xaareya in xubnaha Al-shabaab ay diidaan falalka guracan ee argagaxisada kuna soo biiraan nabad dhisidda iyo barwaaqeynta guud ahaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...