Wafdi ka socda Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta XFS oo lagu soo dhoweeyey Jabuuti

Date:

Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa waxa soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti Mudane Cabdi Youssouf Sougueh, Madaxa Djibouti Telecom Mudane Maxamed Cosoble Buuxe iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan.

Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa waxa uu sheegay in ay la soo qaadi doonaan dhigoodda dalka Jabuuti arrimaha la xiriira horumarinta Iskaashiga dhinaca Isgaarsiinta iyo boostada

“Waxa aan u soconaa howlo ay ka mid tahay dhaqan gelinta heshiiska Boostada Jabuuti iyo Soomaaliya oo aan hore u saxiixanay kaas oo ku saabsanaa in Boostada Jabuuti ay noqoto xiriirka Boostada Soomaaliya ee dibedda(Gateway ) iyo arrimo kale oo xiriira horumarinta xiriirka labadda dal ee dhinaca Iskaashiga horumarinta Isgaarsiinta” ayuu yiri Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda  Somaaliya Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Drs Nasra oo faahfaahisay hal-ku-dhigga  maalinta Caalamiga ah caafimaadka Afka Iyo Ilkaha

Drs Nasra Cabdisamad ayaa si qoto dheer u sharaxday...