Guddoonka Golaha Shacabka oo fasaxay shirarka guud ee Golaha inta lagu guda jiro munaasabadda Ciidda iyo Xajka.

Date:

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane C/welli Sheekh Ibraahim Muuddey oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay hakad la geliyay kulamadii guud ee Golahaasi.

Mudane C/welli Ibraahim Sheekh Muuddey ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha SHacabka uu kulamadoodi guud ay hakad galayaan inta la soo gudanayo waajibaadka Xajka iyo munaasabadda ciidda.

Wuxuu xusay in dib la isugu soo laaban doono wixii ka dambeeya 6-da bisha soo socota ee September.

Hadalka guddoonka Golaha Shacabka ayaa imaanaya xili loo diyaar garoobayo gudashada Waajibaadka Xajka iyo munaasabadda Maalinta ciidda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...