Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga, laguna ansixiyey Hindise Sharciyeedyada Maareynta Maaliyadda iyo kan Xakameynta Hubka Wax Dila

Date:

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre.

Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedyada Maareynta Maaliyadda iyo kan Xakameynta Hubka wax Dila iyo warbixinno ku aaddan maxaabiista India, diyaarinta Heshiiska Xaquuqda caruurta iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa laga dhageystay warbixin ku aaddan socdaal uu isaga iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay ku tageen dalka India oo Soomaaliya iyo India ay ku soo kala saxiixdeen Heshiis ku aaddan is-weydaarsiga maxaabiista. 118 dhalinyaro oo loo heysto danbiyada burcad-badeednimo ayaa marka la xukumo heli doona fursad dalkooda dib loogu soo celiyo.

Wasiirka ayaa sheegay inay dowladda India ka aqbashay codsi ku aaddan in visaha India laga bixiyo Muqdisho oo shacabka Soomaaliyeed ee doonaya inay waxbarasho ama caafimaad u aadaan India loo sahlo dal-ku-galkooda. Dowlada India ayaa ballanqaaday inay xafiiskeeda dal-ku-galka u soo wareejin doonto Muqdisho.

Golaha Wasiirada ayaa dood iyo falanqeyn ka dib ansixiyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda oo uu wasiirka Maaliyada soo gudbiyey.

Golaha Wasiirada ayaa dood iyo flanqeyn ka dib ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka Wax Dila oo uu wasiirka Amniga soo gudibiyey.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyo kale oo uu ka mid ahaa kan La dagaalanka Argagaxisada oo golaha ay daraasad iyo akhrin ku soo sameynayaan si loo ansixiyo kulamada kale.

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay diyaarinta bilowga heshiiska Xaquuqda Carruurta oo meel fiican maraya iyo horumarka wajiga labaad ee dhisida Guddiga Madaxbannaan ee Xaquuqul Insaanka oo la xayeysiiyey looguna baaqay cid walba oo daneyneysa inay araajidooda soo gudbiyaan ka hor 2da September 2017ka.

Wasiirka Waxbarashada ayaa ka warbixiyey safar uu ku tagay dalalka Mauritius iyo Sudan oo lagu horumarinayey waxbarashada Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhismaha guddiga hubinta shahaadooyinka dalka.

Ugu danbeyn Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay in Soomaaliya sanadkii 3aad lagu guuleystay in la ciribtiro cudurka dabeysha tanoo ah guul weyn oo weliba wadamo badan oo ka dhaqaale badan kana amni badan ay ku guuldareysteen, halka 3dii sano ee ugu danbeysey aan Soomaaliya lagu arag cudurkan dabeysha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...