Ansixinta Xeerka Isgaarsiinta waa tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya

Date:

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah anxisintii Golaha Shacabka ay maanta ansixiyeen Xeerka Isgaarsiinta oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dadaal dheer u galay sidii Xeerka Isgaarsiinta loo ansixin lahaa ayaa soo dhoweeyey go’aankii Golaha Shacabka ee maanta, sheegeyna ansixinta Xeerka Isgaarsiinta inay tahay tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay dadaalkii aan u galnay in dhammaan qeybaha bulshada lala tashado, la dhageysto, laga qeybgeliyo sameynta Xeerka Isgaarsiinta in maanta aan aragno faa’iidada wadatashiga bulshada oo noo sahlay in Xeerkii la ansixiyo.”

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Xeerka Isgaarsiinta uu dalka u horseedayo horumar dhan walba ah oo shirkadaha Isgaarsiinta ay helayaan maalgashi shisheeye oo kor u qaada adeegyada ay bulshada gaarsiiyaan, tanoo sahleysa in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro shaqooyin heer sare ah. Sidoo kale Xeerkan waxuu keenayaaa in dhaqaalaha dalka uu kobco oo Soomaali fara badan ay helaan fursado ay ku curiyaan ganacsi heer caalami ah.

Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta oo 158 xildhibaan ay ansixiyeen halka hal xildhibaan uu diiday. Xeerka Isgaarsiinta ayaa loo gudbinayaa Aqalka Sare si ay u darsaan, uga doodaan ka dibna u ansixiyaan.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...

Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...