Ansixinta Xeerka Isgaarsiinta waa tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya

Date:

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah anxisintii Golaha Shacabka ay maanta ansixiyeen Xeerka Isgaarsiinta oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dadaal dheer u galay sidii Xeerka Isgaarsiinta loo ansixin lahaa ayaa soo dhoweeyey go’aankii Golaha Shacabka ee maanta, sheegeyna ansixinta Xeerka Isgaarsiinta inay tahay tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay dadaalkii aan u galnay in dhammaan qeybaha bulshada lala tashado, la dhageysto, laga qeybgeliyo sameynta Xeerka Isgaarsiinta in maanta aan aragno faa’iidada wadatashiga bulshada oo noo sahlay in Xeerkii la ansixiyo.”

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Xeerka Isgaarsiinta uu dalka u horseedayo horumar dhan walba ah oo shirkadaha Isgaarsiinta ay helayaan maalgashi shisheeye oo kor u qaada adeegyada ay bulshada gaarsiiyaan, tanoo sahleysa in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro shaqooyin heer sare ah. Sidoo kale Xeerkan waxuu keenayaaa in dhaqaalaha dalka uu kobco oo Soomaali fara badan ay helaan fursado ay ku curiyaan ganacsi heer caalami ah.

Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta oo 158 xildhibaan ay ansixiyeen halka hal xildhibaan uu diiday. Xeerka Isgaarsiinta ayaa loo gudbinayaa Aqalka Sare si ay u darsaan, uga doodaan ka dibna u ansixiyaan.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ku tegay Wargaadhi

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo...