Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garoowe ku Qaabilay Saraakiil ka Socdey Hay’adda UNSOM

Date:

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socdey hay’adda UNSOM Soomaaliya oo uu hogaaminayey Mr. Simon West oo ah la-taliyaha guud ee  dhinaca amniga UNSOM Soomaliya.

Kulankani ayaa waxaa Madaxweynaha ku welehelinaayey taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg, waxaana kulanka lagaga wada hadlayey arrimo la xidhiidha isku dhafka ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ayaa ugu horayn masuuliyiintani kusoo dhoweeyey xafiiskiisa, waxaana uu u xaqiijiyey in maamulka Puntland hormuud u ahayd dhaaqjinta fekerka  isku dhafka ciidamada Soomaaliya, isla markaana ay weli diyaar u tahay sidii looga gun-gaadhilahaa qorshaha qaran ee laga yeeshay isku dhafka ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa masuuliyiintani u cadeeyey in ay ka go’antahay sidii loo heli lahaa ciidan qaran oo isku dhaf ah, kuwaasi oo ka kala yimid dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah  Soomaaliya iyo DFS, isla markaana leh sumad Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxwenaha ayaa xaqiijiyey in ciidan kaasi qaran ahaan doono sida qorshuhu yahay mid wax weyn ka bedelidoona marxaladda ay maanta ku jirto Soomaaliya, isla mar’ahaantaana u horseedi doona shacabka Soomaaliyeed nabad iyo nolol.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaaliyed in xilgaara lasyka saaro dhismaha ciidan qaran oo sumad Soomaaliyeed leh, wadaniyadana, ka shaqeeya danaha Diintooda,  dalkooda iyo dadkoodaba, isla markaana ay ka go’antahay sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen cadawga tabarta yar ee Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...