Madax katirsan Jubbaland iyo K/Galbeed oo Baydhabo uga qeybgalay bandhigga hidaha iyo dhaqanka suuban

Date:

Munaasabadan Waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaasha Baar lamaanda Jubbaland iyo K/Galbeed ย Xildhibaano Katirsan Baar lamaanka Federaalakย  Soomaaliya,Qaar kamid ah Wasiirada Magacaaban ee K/Galbeed iyo masโ€™uuliyiin kale.

Waxaa ujeedku ahaa xoojinta iyo horumarinta hidaha iyo dhaqanka oo dalku caanka ku yahay ayadoo lagu soo bandhigay qaar kamid ah ciyaarah ay Soomaalida caanka ku tahay ee Hidaha iyo Dhaqanlka qeyb ka ah.

Malaaq Cali Malaaq Xasan Cali Qataar oo kamid ahaa Duubabkii Dhaqanka ahaa ee Sida Gaarka ah u soo qaban Qaabiyey Munaasabada ayaa sheegy in muhiim ay tahay horumarinta Hidaha iyo dhaqanka.

โ€œBulsho kasta oo kunool dunida waxay leedahay astaamo iyo waxyaabo u gaar ah, waxaa looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan horumarinta iyo ilaalinta Hidaha iyo dhaqanka Suuban oo Soomaalidu ay leedahay, ujeedka munaasabadan waa sidaasiโ€, Ayuu yiri malaaq Cali Xasan.

Cabdi Xaamud Waa wiil dhalinyaro ah ayaa ka hadlay dareenkiisaโ€ Hadii aanahay dhalinyarada waxaan diyaar u nahay in aan ka qeyb qaadano ilaalinta dhaqankeena suuban oo aan leenahay, waxaaa ay lamid tahay adigoo ilaaliya calankaaga hooyoโ€, Sidaasina waxaa ,munaasabadda ka sheegey Cabdi Xaamud oo dhalinyarada ka mid ahaa.

Guddoomiyaha Baarlamanka K/Galbeed C/qaadir SHariif Sheekhuna Maye iyo guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa bulshada ugu baaqay in ay si wada jir ah uga qeybgalaan ilaalinta dhaqanka suuban oo ay leedahay bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale