Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ka tacsiyeysay dilkii Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud iyo walalkiis.

Date:

Madaxweynaha  Dowlada  Goboleedka  Galmudug, Madxweyne kuxigeenka Galmudug iyo  labada gole ee dowlad Goboleedka Galmudug ,  waxay  tacsi tiiraanya leh u dirayaan   qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan shacabka  dowlad goboleeedka Galmudug oo ay ka geeriyoodeen Allaha ha u naxariistee gudoomiyihiin Gobolka Galgaduud marxuum Maxamed dahir Shiikh Cali Cilmi iyo walalkiis marxuum En. Xasan Shiikh Cali Cilmi oo xalay kooxo hubeysan oo dhagar qabayaal ah ay ku dileen magaalada muqdisho,gaar ahaan xafada Carafaad  waxaana  dishay gacan ka xaqdaran, runtii geerida ku timid gudoomiyaha iyo walalkiisba  waa mid si gaar ah noo taabaneysa.

“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Dhammaan Dowlad Goboleedka Galmudug   waxay tacsi  tiiraanyo leh  la wadaagayaan ehelada marxuunka  waxayna ilaah uga baryayaan in ilaah samir iyo iimaan ka siiyo iyagana  raxariistiisa Janno ka waraabiyo.

Ugu danbeyntii dowlad goboleedka Galmudug waxa ay ugu baaqeysaa dowlada federaalka ee soomaaliya  in ay baaritaan ku sameyso soona qabtaan dadkii ka danbeeyay dilkii xalay loo geystay gudoomiyihii Gobolka Galgaduud iyo walal kiis  isla markaana Cadaalada la horkeeno.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...