Dowladda Maraykanka oo qabtay afar qof oo qoraallo sir ah faafiyey

Date:

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka ayaa sheegay in afar qof lagu soo eedeeyey in ay qoraallo sir ah faafiyeen, iyadoo maamulka Trump bilaabay olole waji gabax ka muuqdo oo dadka qoraalladaa faafiyey lagu soo qabqabanayo.

Jeff Sessions wuxuu sheegay in dadka la soo qabtay lagu tuhunsanyahay in ay qoraallo sir ah faafiyeen iyo in ay magac dhabeen saraakiil sirdoon ah oo si qarsoodi ah u shaqaynayey.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanku wuxu sheegay in maamulka dalku ilaa bishii Jeeniweri saddex laabay baadhitaanka lagu hayo qoraalladaa sirta ah ee la faafiyey.

Madaxweyne Trump ayaa mar hore oo uu ka hadlayey arrintan dhaliilay Sessions kuna tilmaamay โ€œqof aad u jilicsanโ€.

Xeer ilaaliyaha guud oo shir jaraaโ€™id ka hadlay aya sheegay in aan dawladina si habsami ah u shaqayn karin hadii hogaamiyeyaasheedu aanay si xor ah oo kalsooni leh ula hadli karin hogaamiyeyaasha dalalka kale.

โ€œWaxaan arintaa ku raacsanahay madaxweynaha si adagna waan u dhaleecaynayaa tiradan sii kordhaysa ee qoraallada sirta ah ee lafaafiyey ah, waana mid wiiqaysa kartida dawladeena ee ilaalinta dalkanโ€ ayuu Sessions warfidiyeenka ku yiri.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...