Dowladda Maraykanka oo qabtay afar qof oo qoraallo sir ah faafiyey

Date:

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka ayaa sheegay in afar qof lagu soo eedeeyey in ay qoraallo sir ah faafiyeen, iyadoo maamulka Trump bilaabay olole waji gabax ka muuqdo oo dadka qoraalladaa faafiyey lagu soo qabqabanayo.

Jeff Sessions wuxuu sheegay in dadka la soo qabtay lagu tuhunsanyahay in ay qoraallo sir ah faafiyeen iyo in ay magac dhabeen saraakiil sirdoon ah oo si qarsoodi ah u shaqaynayey.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanku wuxu sheegay in maamulka dalku ilaa bishii Jeeniweri saddex laabay baadhitaanka lagu hayo qoraalladaa sirta ah ee la faafiyey.

Madaxweyne Trump ayaa mar hore oo uu ka hadlayey arrintan dhaliilay Sessions kuna tilmaamay “qof aad u jilicsan”.

Xeer ilaaliyaha guud oo shir jaraa’id ka hadlay aya sheegay in aan dawladina si habsami ah u shaqayn karin hadii hogaamiyeyaasheedu aanay si xor ah oo kalsooni leh ula hadli karin hogaamiyeyaasha dalalka kale.

“Waxaan arintaa ku raacsanahay madaxweynaha si adagna waan u dhaleecaynayaa tiradan sii kordhaysa ee qoraallada sirta ah ee lafaafiyey ah, waana mid wiiqaysa kartida dawladeena ee ilaalinta dalkan” ayuu Sessions warfidiyeenka ku yiri.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...