Safiirka Soomaaliya ee Masar “Waxan ku guuleysanay in tahriibka la joojiyo”

Date:

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar  C.qani max’ed wacays ayaa Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegey in lagu guuleystay dadaalo ku aadan sidii loo joojin lahaa khataraha Tahriibka oo dhalinyaro badan oo Soomaali ah ay dhibaatooyin kala kulmaan.

Mudane C/qani  Max’ed Wacays safiirka Soomaaliya ayaa sheegey in ay dadaalkaasi la kaashadeen Dowladda Masar oo uu sheegey in kalin weyn ka qaadatay sidii loo joojin lahaa Tahriibka oo dad badan ay ku dhamaadaan.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay maanta  in umadda Soomaaliyeed dhamaan meel walbo ay joogan la socodsiino, in arrimihii tahriibka oo dhibaato badan iyo murugo badan ku reebay qoysas Soomaaliyeed lagu guuleystay joojintooda”, Ayuu yiri Danjir C/qani Wacays.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar  ayaa sheegay in Xukuumadda Qaahira ay dadaal ku bixisay sidii loo hor istaagi lahaa khataraha ka imaanaysa tahriibka, isagoo intasi ku daray in dhalinyaradii Masar u tagtay arrimaha tahriibka ay haatan ku qanceen talaabooyinkaasi wacyigelineed oo ay qaaday safaaradda.

“Waxaan aad ugu mahad celinaynaa odayaasha iyo shacabka qaahira ku nool oo wacyi galin, tusaaleyn iyo dhiiri galin dhalinyarada Soomaaliyeed  intaba habeen iyo maalin aan kala daalin oo aan ka wahsanin,  runtana u sheegay dhalinyarada oo ay ku qanciyeen marka aad iyo aad baan ugu bogaadinaya uguna mahad celinaya odayaasha, aqoonyahanada iyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool Masar,”Danjire Wacaysa ayaa sidaasi yiri,

Dalka Masar ayaa kamid ah wadamada ay inta badan ka baxaan Tahriibayaasha ku qul qulaya qaaaradda Yurub waxaana kamid ah dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaasi oo haatan qaarkood dib ugu soo laabanaya dalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirkii 11-aad Ee OACPS Ee Equatorial Guinea

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoonka Golaha Shacabka oo beeniyay warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...